DIBAD BAX CEEL-WACAYSEED

Annual subscription

$37.00

June 24, 2019

Waa fursad dhiff iyo naadir oo qof reer magaal ah soo marta in uu miyi doogan tamashle ku tago, caano, hilib iyo nabadna ku naaloodo.

Taa ayaan maanta fursad u helay markii koox asxaab ah lugta la helay, martiqaad uu noo fidiyey saaxiibkay, Wasiir Juxa, fadligeed.

Naacawsi, geedo qurac iyo labi ah oo harac qabow iyo quud markaa geed kasoo go’ah ayaannu nafta magaalo ku raagtay ku doojiney. Sheeko xiisaleh oo miyi iyo magaalo is huwan ayaa madasha qurxisay. Hase yeeshee rag iyo dumar ayaa loo kala degay si xanta loo kala qarsado, in la isku dhacana meesha looga saaro.

Dad degaanka ah ayaan marti u ahayn, si goobanima lehna noogu adeegay. Anigu nolasha miyiga waxbaan ka aqaan. Labo haddeer isu qosleesay ayaa ilbiriqsi isku dileeysa – weliba xiliga reer miyigu gu’ aaran ah helaan sida haddaba dhacday. Sidaa awgeed ayaa dhagtu iitaagnayd, ileen reer miyigu waxay ku maahmaahaan “dagaal gondahaagu ka dhashaa”.

Si fiican ayaa naacawsiga, dal xiiska iyo tamashluhuba noogu tooseen.


Anagoo aanan weli ka xiisadhicin madashii toolmoonayd, ayaannu cagajiid kaga soo kacnay. Aniga iyo saaxiibkay, Safiir Mohamed Cawil, ayaa gaarigayka wada saarnayn -anaa waday.

In yar hadii aan wadada Garoowe u socota soo haynay, waxaa naga dabayimi gaari yar oo MARK-II ah, kaa oo si aan taxadar-layn wadada noogola dhaqmay, deedna si xawli nagu dhaafay.

Jidgooyadii Rabaable ka so kaysay ayaa nala ku joojiyey. Askari ayaa iga codsay in aan gaari kasoo dago, aniga oo aan ka degin gaariga, ayaan askariga su’aallo weydiiyey. Durbaba, wiil baa gaarigayga soo dhinac istagay, oo yiri qaan baan kuu haystaa. Mar hadaan dhaqanka Soomaalida wax ka aqaan, wiilka kama waalin. Adeer, waa kaa taleefankaygu. Deedna isoo wac, malaha isagoo hubinaya taleefanka aan siiyey.

https://ismailwarsame.blog/2019/06/25/wdm-camera-view-at-ceel-wacayseed-picnic/

Ismail Warsame ismailwarsame@gmail.com
https://ismailwarsame.blog
@ismailwarsame

One thought on “DIBAD BAX CEEL-WACAYSEED

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s