Su’aasha kor ku xusan ayaa lasoo weydiyey Warsame Digital Media WDM. Waa tan jawaabtu:
Dawladda Federaalku waxay ka koobantahay sadex heer:
- Dawladda Dhexe
- Dawladaha Xubnaha ka ah tan Dhexe
- Dawlado deegaanno oo hoos yimaada dawladaha xubnaha ka ah tan dheexe. Waxay leeyihiin golayaal deegaan, meesha kuwa kale leeyihiin sadexta qaybood ee dawlad heerkooda (dhexe, gobolleed, deegaan). Dawlad-gobolleedyo waxay u yihiin dawlad dhexe dawladaha deegaannada. Dawlad-gobolleedyadu iyana waa in ay xukunka sii baahiyaan ila heer tuulo-deegaan. Deegaannadu waa ay yeeshaan la haansho talo iyo mashaariic waxqabad iyo hurumarineed.
- Awoodda Dawladdu waa u kala qaybsantahay madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada. Waaxa kaloo kala qaybsan awooddaha sadexta qaybood ee dawladda. Madaxweynu waa madaxxa jamhuuriyedda, mana laha awood ka baxsan dastuurka. Wasiir koowaad waa afhayeenka Golaha wasiirrada iyo guddoomiyaha fadhiyadda golaha. Wasiirka koowaad ma laha awood ka baxsan golaha. Madaxweynuhu ma marooqsankaro awood aan dastuurku u ogalayn.
- Waxaa jira xukun baahis iyo wadaag khayraadka dalka, oo laga kabo dhanka dhaqaalaha, dawladaha xubnaha aan isku filayn. Sidaa waxa meesha ka baxaya ku tagrilfal awoodda dawladnimo iyo dib u dhac gobollada qaarkood.
- Awooddaha sida loo kala leeyahay Dastuurka Federaalka ayey ku qorantahay, wuxuuna hadda dastuurka qabyo-qoraalku u baahanyahay dhamaystir iyo in loo qaado afti dadweyne.
- Waxaa dhacaya doorashooyin guud.
- Sidaa awgeed, nidaamka federaalku waxaa lagu tilmaama heerkii ugu toolmoona ee dimoqraatiyada.
Fiiro Gaar ah:
Haddii dawladda dheexe shaqayn weydo, ama burburto, dawladaha kale ayaa shaqaynaya. Ma dhacayso 1991 dhambe.