Garoowe, Jan. 26, 2020
Waxaan aad ugu farxay markii mudanayaal iyo marwooyin asxaab iyo sheeko wadaag anu nahay ii geeneyn martiqaad kasoo qaybkal xaflad lagu maamuusayey 100 sanadii ka wareegtagay Ustaad Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Xafladdu waxay ka dhacaysay ama lagu qabanayey Hudheelka Martisoor, ee sida Sheratonka Djibouti u dhisan, haseyeeshee buurta waqooyi ee Garoowe ka duldhisan.
Waraaqda martiqaadka ama “tikidka” la iigeenay ayaan durba yaraha eeg. Markiiba waxaan xusustay heestii ari la-joogtii reer Sool oo tiri erayo ay ka mid yihiin: “War ariga niman baa leh, oo niman ku dila yaa leh, Alle iyo Ustaadkaa leh”.
Anoo, si rayraynu ku dheehantahay uga jawaabcelinaya martiqaadka asxaabta, ayaan gaarigayga goor fiidkii u kaxaystay dhanka waqooyi ee Magaalada Garoowe, anoo kusii jeeda Hudheelka Martisoor ee xaflad loogu maamuusayo taariikhda Ina Cabdulle Xassan ama Ustaadka.
Waxaa sandule igu noqotay in aan sii maro afar jid-gooyo oo ay dhigteen Ciidamada Amniga Madaxtooyada Puntland. Waxaa taa ka darnayd in markii an gaaray Hudheelka xuska Sayidku ka socdo, jidkooyo kale igu amartay in an gaarigayga ka fogeeyo hudheelka ugu yaraan nus kiiloomitir. Waa soo kala wareegay.
Waxan sahamiyey goob nus Km hudheelka u jirta oo gaari aan ilaalo la joogin meel mugdi ah la dhigan karo, hadna mugdi kasoo lugeyneysid, kuna sii lugeyneysid hadow. Waxaan go’aansaday in aan xafladda gabi ahaan isaga laabto oo aan gurigaygii isaga goosho. Habka uu u dhisanyahay jidka loo aado Hudheelka Martisoor, Madaxtooyada iyo xafiisyada wasaaradaha Puntland kuuma oggalaaneyso in aad ka baxdo adoon kusoo laaban jidka Isla Hudheelkii Martisoor, taa oo ku abuureysa Ciidamada Madaxtooyada shaki amni ee gaariga meesha kusoo laalaabanaya.
Waxaa kaloo iyana xusid mudan in waxaa oo jidgooyo ah, in la joojiyey, aan mar keli ah lagu baarin, aniga iyo gaarigaba. Xirfadda iyo aqoonta aminiga ee ciidamada dawladduna waa taa.
Ku guuleystay in aan ciriiriga ka lug baxo, si nabadgelyana ku gaaro deegaankaygii.
Waxan ka fakaray su’aasha ah: Tolow imisa qof ayey u suuragashay cawa in ay xafladdaa ka qaybgalaan?
Maanta ayaan baraha bulshada ka daawaday in odayaal 70 sano dhafay, oo intay labo go’ oo cad cad iyo funaanado aan uurkooda buuran asturikarin dadka meesha isu yimi hortaagan. Waxay garan waayeen in dhilinyarada taba-baraan, deedna ku wareejiyaan daadihinta xafladda.
Waxaa kaloo lagu wargeliyey in dadweynaha Puntland markasta kala kulmaan dhibtaan xafladda noocaan ah ee madaxda Puntland kasoo qaybgalaan. Xalay malaha Madaweyne Ku-Xigeenka, Axmed Kraash, ayaa xafladda Siyidka tagayey.
Madaxda Puntland waxa laga codsanayaa in dib uga fakaraan hab-maamuuska isku imaadkaan oo kale iyo sidii loo toosin lahaa khaladkan, loona sameynlaa hanaan ku haboon amniga, oo dadweynaha aan loo dhibin.
Waxaa kaloo mudnaanta koowaad leh dhalinyarada in ay hormood ka noqdaan hawlaha bulsho oo noocaan ah.
https://ismailwarsame.blog
Annual subscription
$37.00