Annual subscription
$37.00
June 22, 2019
Qoraalkan ma aha mid lagu magaayo, lagu faduulinayo iyo mid lagu haruufayo toona aqoonyahannada, gaar ahaan kuwa Soomaalida. Waa qoraal su’aallo lagu weydiinayo aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Aqoonyahannow, bal horta, wax ma akhrisaa si joogta ah oo duwan qofka caadiga ah, qalin iyo warqad ma isa saartaa maalin waalba, meeqa saac ayaad keligaa miis fadhigikartaa, adoo wax qoraaya ama wax ku dulfakaraya? Mise, sida qofka caadi ah, ayaad video clip-yada iyo Facebook-ga daalacataa oo wakhti dheer galisaa, waxa dad kale sameeyeenna waa la wadaagtaa dhanka social media-yaha? Adigu fakrado cusub ma dhalisaa, dadkase ma la wadaagtaa? Maxaad soo saartaa oo aad aqoonyahan ku tahay? Wax ma qortaa aad ku fidisid aragti adigu aad leedahay?
Wax ma dhageysataa markaad la fadhiso asxaabta, mise geed sare ayaad weligaa fuushantahay? Markaad hadleyso, maku dulfakartaa sheekada, mise sidii qof caadi ah ayaad caadufad iyo hubsiino-la’aan ku hadashaa? Ma isweydiisay waxyaabaha aad kaga duwantahay qofka caadiga ah ee suuqa jooga?
Marjirtaa su’aallo aad raad-goobeysay jawaabtoodii? Ma u seexataa su’aallo madaxxaaga ku jira? Hurdada ma ka salashaa habayn barkii adoo hurdada ku helay jawaab su’aal aad dabajoogtay?
Wax ma baartaa, adoon isku dayeen in aad taada oo keli aduunka u cadeyso, oo maankaagu u furanyahay lama filaan iyo ged cusub?
Marka la qiimeynayo dhaqanka, asluubta, fakradaha dadka, maxaad wax ku qiyaastaa, ma dhaqankii waaridkaa, mise maan furan oo ku dulfakaraya dhaqan kaaga ka duwan?
Aqoonyahannow, warka kusoo gaara ma iska hubisaa, mise waa la boodaa sida qof caadi ah ee maanta jooga, qarniga been-abuurka (fake News).
Aqoonyahannow dhaqan ahaan aqoonyahan ma tahay?
Warsame Digital Media WDM
https://ismailwarsame.blog