Qore: Ismail H Warsame
Wax-ka-beddelka Dastuurka Puntland ma aha hawl degdeg lagu dhammeeyo ama go’aan siyaasadeed oo Xukuumadda iyo Baarlamaanku keliya ku koobi karaan. Dastuurku waa heshiiska aasaasiga ah ee shacabka Puntland, sidaas darteed wax-ka-beddelkiisu wuxuu u baahan yahay daraasad qoto dheer, wadatashi dadweyne oo ballaaran, iyo is-afgarad siyaasadeed iyo bulsho.
Waa in la dhisaa Guddi Dastuuri ah oo gaar ah, karti iyo aqoon u leh arrimaha dastuurka, kana kooban xubno Golaha Wakiillada ah, khubaro sharci iyo dastuur, iyo wakiillo madax-bannaan oo bulshada rayidka ah. Guddigan waa inuu leeyahay waajibaad cad oo ku saabsan abaabulka, qabashada, kormeerka iyo diiwaangelinta natiijooyinka wadatashiga dadweynaha, iyadoo la ilaalinayo awoodaha dastuuriga ah ee Golaha Wakiillada.
Waxaa muhiim ah in Puntland ka fiirsato muranka ka dhashay wax-ka-beddellada Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo taageerayaashiisa Baarlamaanka lagu dhaliilay inay ku dhaqaaqeen iyada oo aan la helin is-afgarad siyaasadeed oo ku filan. Taageerayaasha isbeddelladaas waxay ku doodayaan inay mareen habraacyada hay’adaha sharci-dejinta, halka dadka ka soo horjeeda ay su’aal geliyaan heerka wadatashiga iyo heshiiska siyaasadeed. Puntland waxay tusaalahan ka baran kartaa muhiimadda ay leedahay kala saaridda ansixinta sharciyeed iyo aqbalaadda ballaaran ee bulshada.
Laba Hab oo Wadatashiga Loo Qaban Karo
1. Shirweyne Dastuuri ah oo Kooban
In la qabto shirweyne wadatashi oo ay ka qaybgalaan Golaha Wakiillada, Xukuumadda, siyaasiyiinta, isimada dhaqanka, aqoonyahannada dastuurka, haweenka, dhallinyarada iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Shirweynuhu wuxuu qodob kasta ka doodi karaa saamayntiisa, wuxuuna soo saari karaa talooyin iyo qodobbada la isku afgartay iyo kuwa weli lagu kala aragti duwan yahay.
2. Wadatashi Dadweyne oo Ballaaran oo Gobollada Puntland ah
In waqti ku filan loo qoondeeyo wadatashi ka dhaca gobollada iyo degmooyinka Puntland, si muwaadiniintu u helaan fursad ay ku fahmaan sagaalka qodob, uguna soo bandhigaan aragtidooda.
Guddiga gaarka ahi waa inuu ururiyaa, diiwaangeliyaa, kana diyaariyaa warbixin rasmi ah dhammaan talooyinka, ka hor inta aan Golaha Wakiilladu guda gelin go’aanka kama dambaysta ah.
Mawqifka Qoraaga
Waxaan qabaa in sharciyadda habraaca Baarlamaanku aanay keligeed beddeli karin baahida loo qabo wadatashi dadweyne iyo is-afgarad siyaasadeed, gaar ahaan marka la beddelayo qodobbada taabanaya doorashada Madaxweynaha, madax-bannaanida Garsoorka iyo Guddiga Doorashooyinka.
Labada hab ee kor ku xusan waa la isku dari karaa: shirweyne kooban oo lagu bilaabo doodda iyo wadatashi gobollada oo lagu ballaariyo ka-qaybgalka shacabka.
Dastuurka Puntland waa inuu noqdaa heshiis jiilasha u dhexeeya, ee aanu noqon go’aan siyaasadeed oo ku kooban muddada xukuumad ama Baarlamaan.