Qore: Yusuf Said Hersi
Taariikhda: Agoosto 08, 2026
Waxaa jira arrimo siyaasadeed oo aan lagu fahmi Karin dhacdooyinka maanta oo keliya. Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid ka mid ah. Jiilba jiilka ka dambeeya, Itoobiya waxay ilaalisaa aragti ku salaysan danaheeda qaran iyo istraatiijiga Geeska Afrika. Hoggaamiyeyaashu way is beddelaan, laakiin danaha qaran ee muddada dheer la hiigsanayo si fudud uma beddelmaan.
Maanta, baahida Itoobiya u qabto marin badeed waxay dib u soo celisay su’aal muddo dheer taagnayd: Soomaaliya ma leedahay aragti fog oo ay ku ilaalinayso dhulkeeda, badaheeda iyo midnimadeeda?
Itoobiya waa dal aan lahayn xeeb, halka Soomaaliya ay leedahay xeeb dheer oo ku taalla meel ka mid ah goobaha ugu istraatiijisan dunida. Sidaas darted, badda Soomaaliya ma aha oo keliya arrin dhaqaale; waa arrin ku saabsan madaxbannaanida, amniga iyo mustaqbalka qaranka.
Itoobiya waxay xaq u leedahay inay raadiso marin ganacsi iyo xiriir dhaqaale. Laakiin baahida Itoobiya looma beddeli karo xaq ay ku yeelato dhul ama bad Soomaaliyeed. Heshiis ganacsi waa wax kale, tanaasul ku saabsan madaxbannaanida qarankuna waa wax kale.
Xaggee maraysaa himiladii Soomaalidu?
Jiilashii xornimada waxay lahaayeen himilo cad oo ku saabsan Soomaaliweyne. Waxay doonayeen in Soomaalida iyo dhulalkii Soomaalidu deggenayd ay mar uun ka gudbaan xuduudihii gumeysigu sameeyay.
Maanta, jiilasha cusub waxay indhahooda ku arkaan Soomaaliya ka duwan tii ay ku riyoon jireen awoowayaashood: dal kala qeybsan, khilaaf siyaasadeed joogto ah iyo midnimo qaran oo sii daciifaysa.
Haddii jiilku ku koro Soomaaliya kala qoqoban, lama yaabi karo haddii himiladii midnimada Soomaaliyeed ay jiilba jiilka ka dambeeya sii luminayso.
Taasi waa khatarta ugu weyn.
Soomaaliya haddii ay daciifto, kuwo kale ayaa qorsheynaya mustaqbalkeeda
Ma aha in dhibaato kasta oo Soomaaliya haysata lagu eedeeyo shisheeye. Soomaalidu waxay mas’uuliyad weyn ku leedahay xaaladda ay maanta ku jirto. Laakiin sidoo kale waa in la fahmaa in dal daciif ah oo ku yaalla meel istraatiiji ah uu mar walba soo jiito dano dibadeed.
Soomaaliya waxay leedahay bad, kheyraad iyo goob juqraafiyeed oo dunidu danaynayso. Haddii Soomaalidu aysan yeelan qorshe qaran oo fog, kuwa kale ayaa qoesheyn doona mustaqbalka ay iyagu rabaan.
Xasan Sheekh iyo mas’uuliyadda taariikhiga ah
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hoggaaminayaa Soomaaliya xilli xasaasi ah. Waxaa horyaalla su’aal ka weyn muddo-xileedkiisa: Soomaaliya noocee ah ayuu uga tagayaa jiilka soo socda?
Haddii khilaafaadka gudaha, kala fogaanshaha siyaasadeed iyo daciifnimada dowladda dhexe ay sii socdaan, waxaa jirta khatar ah in jiilka dambe ay u arkaan kala qoqobka Soomaaliya wax caadi ah.
Madaxweyne wuxuu xil hayaa muddo kooban, laakiin go’aanadiisu waxay saameyn karaan qaranka muddo tobannaan sano ah.
Sidaas darted, Soomaaliya waxay u baahan tahay siyaasad ka sarreysa madaxweyne, xisbi iyo maamul-goboleed. Waxay u baahan tahay aragti qaran oo ku saabsan midnimada, badda, dhulka, kheyraadka iyo xiriirka dalalka deriska ah.
Ugu dambeyn, su’aashu ma aha oo keliya waxa Itoobiya rabto.
Su’aashu waa: Soomaaliya maxay rabtaa, yaase diyaar u ah inuu u dagaallamo aragtidaas siyaasadda, diblomaasiyadda iyo dowladnimada?
Jiilashii hore waxay inoo reebeen himilo.
Jiilka maanta waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo waxa uu ka dhaxlay.
Jiilasha berri waxay xukumi doonaan waxa aan maanta sameyno.
Yusuf Said Hersi
Yusufsicid37@gmail.com