TRULY INDEPENDENT NEWS AND ANALYSIS IS A DYING BREED

WARSAXAAFADEED: MAKALA MAARMAAN, ISKU MAQAN

Annual subscription

$37.00

Garowe, June 19, 2019

Qofka Soomaaliga ahi qaarado ayuu jeexaya si u arko ama ula kulmo mid kale ee uusan aqoon ula hayn. Hadana labadu, inta badan, waxba kuma heshiiyaan, gaar ahaan, dhanka siyaasadda. Waa arrin dad badani la yaabaan, una baahan in cilmi-baaris laga sameeyo.

Marar badan waxad isleedahay Soomaalidu labo kasta waxba heshiis kuma aha. Sidaa miyey weligeyd ahayd, mise waa ged cusub?

Anigu waxaan isku qanciyey in dhaqanka siyaasadeed uu weli ku cusub yahay Soomaalida, iyo in ayen weli garan in siyaasaddu u baahantahay aragti wadareed, si uu meelmaro dadaal midaysan oo duluc ujeedaleh isugu biyoshubanaya.

Dib u jaleec taariikhda siyaasadda Soomaaliya. Nin tooxsi marna ma guuleysan. Waxaa weligood siyaasadda ku adkaanjirey kuwa isbahaysta oo hogaan mideysan yeesha.

Dhanka kale, laangaabka siyaasaddu wuxu damacciisa ku fushankaraa, guulna ku gaarikaraa isbahays oo keli ah.

Kusoo dhawow sida cilmiga bulshadu u shaqeeyo.

Warsaw Digital Media WDM
https://ismailwarsame.blog
@ismailwarsame

KEEBAA KEER HALKEER LA JOOGA?

Annual subscription

$37.00

Garowe, June 19, 2019

Dadka Soomaaliyeed keebaa keer halkeer la jooga?

Midbaa qaran iyo qalin halkeer la jooga.

Midbaa quut iyo quursi halkeer la jooga.

Midbaa qurun iyo qoomamo halkeer la jooga.

Midbaa qiimo iyo qaayo halkeer la jooga.

Midbaa qoys iyo qabiil halkeer la jooga.

Midbaa qiiro iyo qowmiyed halkeer la jooga.

Midbaa qaaq iyo qiimala’aan halkeer la jooga.

Midbaa qaat iyo qaylo halkeer la jooga.

Midbaa qabyaalad iyo qoloqolo halkeer la jooga.

Midbaa qaarado iyo qaranla’aan halkeer la jooga.

Midbaa qabow iyo qoysla’aan halkeer la jooga.

Midbaa qarfo iyo qoobley halkeer la jooga.

Midbaa Qatar iyo qadiyed la’aan halkeer la jooga.

War keebaa keer halkeer la jooga?

https://ismailwarsame.blog
@ismailwarsame

QURBAJOOG, QORAXJOOG, ISMAANDHAAF KALAMAAN — Warsame Digital Media WDM

QURBAJOOG, QORAXJOOG, ISMAANDHAAF KALAMAAN

Garowe, 19, 2019

Meesha qurbajoogtu isu arkaan kuwo kusoo laabtay dalkoodii ay ka qaxeen iyaga oo yar yar ah oo hooyooyinka iyo aabayaashu gacanta ama dhabarka ku sidaan, dagaalkii sokeeye awgiis. Waxay kaloo qurbajoogtu aaminsanyihiin in ay dalka wax kusoo kordhinayaan dhinac walba aan qoraxjoogtu awood u lahayn sida farsamada, maalgashiga iyo xiriirka aduunka.

Labada aragti waxay keeneen ismaandhaaf iyo kalamaan dab kusii huriyey isqabadyadii Soomaaliya horeyba uga taagnaa dhanka diinta, siyaasadda, dhaqaalaha iwm.

Meelaha xiisadaha iyo xasaraduhu haataan si ba’an uga taaganyihiin waa goleyaasha Dawladda Federaalka iyo kuwa Dawlad Gobolleedyada, oo aad uga muuqdaan madax sare oo qurbajoog ah.

Arrintu armey isu badashaa iskahor-imaadkii ka dhexdhacay Liberia 1900-medyadii. Waa arrin dhexdhexaadin iyo ukala dabqaad mudan.

Warsame Digital Media WDM
https://Ismailwarsame.blog
@ismailwarsame

HAVE MORAL AUTHORITY TO GOVERN FIRST — Warsame Digital Media WDM

HAVE MORAL AUTHORITY TO GOVERN FIRST — Warsame Digital Media WDM

HAVE MORAL AUTHORITY TO GOVERN FIRST

  1. Any Somali would-be Leader must acknowledge, as a first step, the gross violations of human rights and heinous crimes done against innocent Somalis in order to have any credibility and moral authority to govern. He or she must commit themselves publicly to address these issues and start now ways and means to address the outstanding popular grievances.Those who held positions of authority in Somalia‘s Military Government of Siyad Barre must apologize too to the Somali people and acknowledge their responsibilities for the grave violations of human rights and abuse of power. They cannot be silent in conscience to justify the barbaric abuses done to fellow human beings during the Post Siyad Barre era. Every while I come across former prisoners of Labaantan Jirow and Laan Buur maximum security prisons as if they are graduates of the “institution of unlawful imprisonment and political detention“. Former authorities cannot be allowed to be a cheap excuse for the criminals of the Somalia’s Civil War.