Annual subscription
$37.00
Garowe, June 19, 2019
Qofka Soomaaliga ahi qaarado ayuu jeexaya si u arko ama ula kulmo mid kale ee uusan aqoon ula hayn. Hadana labadu, inta badan, waxba kuma heshiiyaan, gaar ahaan, dhanka siyaasadda. Waa arrin dad badani la yaabaan, una baahan in cilmi-baaris laga sameeyo.
Marar badan waxad isleedahay Soomaalidu labo kasta waxba heshiis kuma aha. Sidaa miyey weligeyd ahayd, mise waa ged cusub?
Anigu waxaan isku qanciyey in dhaqanka siyaasadeed uu weli ku cusub yahay Soomaalida, iyo in ayen weli garan in siyaasaddu u baahantahay aragti wadareed, si uu meelmaro dadaal midaysan oo duluc ujeedaleh isugu biyoshubanaya.
Dib u jaleec taariikhda siyaasadda Soomaaliya. Nin tooxsi marna ma guuleysan. Waxaa weligood siyaasadda ku adkaanjirey kuwa isbahaysta oo hogaan mideysan yeesha.
Dhanka kale, laangaabka siyaasaddu wuxu damacciisa ku fushankaraa, guulna ku gaarikaraa isbahays oo keli ah.
Kusoo dhawow sida cilmiga bulshadu u shaqeeyo.
Warsaw Digital Media WDM
https://ismailwarsame.blog
@ismailwarsame