WARYAA MAQLAAYA

Jiiftadaan waxaa curiyey Siyaasiga iyo qoraaga Ismaaciil Xaaji warsame. Waa maanso tiiraanyo, calaacal, iyo baroor diiq intaba isuug jirta. Waa baaq u dadkiisa kula hadlayo, haddii ay jiraan dhego maqlaya oo u dhego nugul dhambaalkiisa iyo baaqiisa. Horaa loo yiri “Miidaamo Dhego  ma leh, haddii Malag dhawaaqayo”. Maansadu waxay soo baaxday bishan Dec. 19da, 2016, waxayna leedahay sidan;

Waryaa maqlaaya dhawaaqa

Ka Yeeri dalkoo dhan!

Waryaa maqlaaya baroorta

Dhallaankiyo iyo maxasta!

Waryaa maqlaaya musuqa

Murugeeyey dalkoo dhan

Waryaa maqlaaya macaashka

Wakiillo mutaystay!

Waryaa maqlaaya

Mowdka macnaba Beelay!

Waryaa maqlaaya Siyaasi

Maal  Dabajooga!

Waryaa maqlaaya maamul

Meherediisa Aan Aqoon!

Waryaa maqlaaya Soomaali

Maamuuskii ka Hallaabay

Waryaa maqlaaya muusanowga

Ka yeeray dadkoo dhan

Waryaa maqlaaya Mowdka

Abaarta miyiga halakeeyey !

Waryaa maqlaaya soodinla’aanta

Saameesay dhulkeenna!

Waryaa Maqlaaya

Digashada Nacabkeenna

Waryaa Maqlaaya Sawaxanka  Soomaali

Saameeyey Aduunka.
Waryaa maqlaaya Soomaali  

Silicdoo Saxariirtay!

Waryaa maqlaaya waarey dalkeenna

Iyo muusanowga agoonta!

Waryaa maqlaaya Carruurta

Maxbuuska shisheeye!

Waryaa maqlaaya

Marwooyinka wareeray!

Waryaa Maqlaaya

Soomaalida  meehanawday

War miyaadan arkayn

Maararowga Siyaaso dalkeenna

Waryaa mudannoo

Maanta loo erkadaa

Eebe loo mahadshaa

https://ismailwarsame.blog

@ismailwarsame

Annual subscription

$37.00

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s