QURBAJOOG, QORAXJOOG, ISMAANDHAAF KALAMAAN

Garowe, 19, 2019
Dalka Soomaaliya Qoraxjoogtu waxay u arkaa qurbajoogta soo laabatay duulaan shisheeye oo fursadaha dalka, gaar ahaan kuwa siyaasadeed iyo dhaqaale ku ciriirinaya, iyadoon qurbajoogtu qorax usoo joogin, qoysas badan usoo masruuffin, qaraabo iyo qabaail lasoo xaajeysan.

Meesha qurbajoogtu isu arkaan kuwo kusoo laabtay dalkoodii ay ka qaxeen iyaga oo yar yar ah oo hooyooyinka iyo aabayaashu gacanta ama dhabarka ku sidaan, dagaalkii sokeeye awgiis. Waxay kaloo qurbajoogtu aaminsanyihiin in ay dalka wax kusoo kordhinayaan dhinac walba aan qoraxjoogtu awood u lahayn sida farsamada, maalgashiga iyo xiriirka aduunka.

Labada aragti waxay keeneen ismaandhaaf iyo kalamaan dab kusii huriyey isqabadyadii Soomaaliya horeyba uga taagnaa dhanka diinta, siyaasadda, dhaqaalaha iwm.

Meelaha xiisadaha iyo xasaraduhu haataan si ba’an uga taaganyihiin waa goleyaasha Dawladda Federaalka iyo kuwa Dawlad Gobolleedyada, oo aad uga muuqdaan madax sare oo qurbajoog ah.

Arrintu armey isu badashaa iskahor-imaadkii ka dhexdhacay Liberia 1900-medyadii. Waa arrin dhexdhexaadin iyo ukala dabqaad mudan.

Warsame Digital Media WDM
https://Ismailwarsame.blog
@ismailwarsame

Author: Warsame Digital Media WDM

About the blogger: This blog is associated with the former Chief of Staff in Puntland State Presidency, 1998-2005. He also worked with the UN and World Bank Joint Secretariat for Somalia’s Re-construction and Development Program (RDP), 2005-2006, as a Zonal Technical Coordinator for Puntland and later as National Aid Technical Coordinator with the Transitional Federal Government of Somalia and European Union. He is now an independent political analyst and commentator on current issues and occasionally gives historical perspective on modern Somalia’s politics. He lives and works in Toronto, Canada. He can be reached at: ismailwarsame@gmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s