Dawladnima Somalia waxay ku bilaabatay iyadoo ay jiraan dagaal dariiqooyin diin huwan. Dagaalladaa diinneed iyo sokeeyee waa taaganyihiin tan iyo maanta. Iska hor imaadku wuxu soo maray dagaallo kulkulul iyo kuwo qabowba, sida kuwa ka dhex socda Ahli Sunna, Al-Shabab iyo Daacish. Hardanka dariiqooyinku wuxu si buuxda ugu fiday dhan walba ee nolashada dadweynaha Somalia. Mar haduu loolanku ku saleysanyahay diin, ma dhamaanayo. Waa dhibaato bulsho ee soojireen ah, siina gaamureysa. Waa dagaal sokeeye oo ay adagtahay in laga heshiiyo.
Sidoo kale, dawladda Somalia waxay dhaxashay, gobanimadii 1960 kadib, nabadoonno mushaari ah. Hadda waxa soo kordhay nabaddoonnadii oo siyaasadda dawliga ah ku milmay, dawlad-dhiskii Soomaaliyana gundhig adag u noqdeen, iyagoo aan u habeysnayn, aqoonta siyaasaadeed iyo maalmul dawli ahna u lahayn, oo ay ka dahsoontahay feker ka ah in maamul dawlihi u baahanyahay xirfad, karti iyo hufnaan shakhsi. Shahaado wakiil qabiil oo keli ah shaqaynweyday, iyadoo keentay burbur lagasoo kabanwaayey oo ku yimi dawladnimadii Somalia.
Somalia waxay ku danbeysay wadaado buntux la rooraaya iyo nabadoonno baarlamaan dhisaaya. Inkastoo la yiri rajada Alle lama quusto, hadana dad badan ayaa quus ah. Dadkani waxay ka taagantahay “War geela waraf ma lagu dayey”?
Hala kala saaro dawladda, Diinta iyo Dhaqanka.
One thought on “KALA SOOC HAWLAHA DAWLADDA, DIINTA IYO DHAQANKA”