GEFKA GOODAX IYO GARNAQSIGA PUNTLAND (GEED SARE WAABOW GUNTAA KA ROON)


HORUDHAC
Waxbarashada Soomaaliya waxa ay soo martay heerar kala duwan oo taariikhi ah. Waxaana aasaas u ahaa dugsiyada Quraanka oo miyi iyo magaalaba ka jiray. Waxbarashada tooska ahi xilliyaddi gumeysiga aad ayey u yareyd, marba marka ka dambeysana si xawlli ah ayey u kordhaysay. Meelo badan waxaa laga soo maray dhib sidii dugsiyadaas loo furi lahaa, sababta oo ah bulshada oo dugsiyadaas u arkaysay kuwo Diinta Islaamka looga beddelayo oo lagu gaalaysiinayo ubadkooda. Xilligii Kacaanka Ciidamada ayey waxbarashadu meesha ugu sarreysa gaadhay, waxaase hareeyey tayo xumo ay sababtay dugsiyadii waxbarashada khasabka ee aan qorshaha iyo tartiibta ku socon iyo tababarkii macallimiinta ee degdegta ahaa. Waxaa kaloo tayada waxbarashada saameyn weyn ku yeelatay degdeg u qaadashadii manhajka Soomaaliga ku qoran oo ardayga ka dhigtay mid hal buug ku kooban oo aan tixraac kale meelna ka heli karin. Tayo xumadaas iyo qorsho la’aantu waxa ay si fiican u muuqatay siddeetanaadkii (80aad kii) markii in badan oo dugsiyadii khasabka lagu dhisay ka mid ihi soo xirmeen iyo markii imtixaankii shahaadada dugsiyada sare musuq weyni galay. Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare wuxuu gaaray in madax iyo ganacsato aan xilkas ahayn ay imtixaanka uga faa’iidaystaan si sharci darro ah. Waxa aan goobjoog u ahayn imtixaanka shahaadada dugsiyada sare oo marka uu xarunta yimaado kormeerayaasha qaarkood bixiyaan, lalana tago guryo ay diyaar ku yihiin macallimiin ka shaqeysa oo ku takhasusay hadba maadada la geliyo, haddana warqadaas bannaanka looga soo shaqeeyey dib loo geliyo baqshadii imtixaanka ardayda iyadoo la tuurayo tii is tuska ahayd ee ardaygu wax ku xarxarriiqay. Caddaalad darradaas waxaa keenay dad xilal haya ama dhaqaale helay oo maangaab ah, oo dayacay carruurtoodii, aynna is tustay in ay lacag dad kaga dhigi karaan. Dagaalkii sokeeyaha iyo maxay ku nuugtaa, maxayse ka nuugtaa baa ku xigtay.

IMTIXAANKA DUGSIYADA SARE EE PUNTLAND
Puntland waxaa ka jiray 4 dugsi sare dagaalkii sokeeye ka hor; dugsiga saree Cumar Samatar (Gaalkacyo), dugsiga saree Gambool (Garoowe), dugsiga saree Sh. Cusmaan (Qardho) iyo dugsiga saree Bosaaso (Bosaaso). Dugsiyadaas sare waxaa dib boorka looga jafay 1999 iyada oo Wasaaradda Waxbarashadu kaashanaysa hay’adda CfBT (Center for British Teachers) oo shaqo dhaxalgal ah ka qabatay dayactirka dugsiyada, tababarka iyo gunnada barayaasha, ku caawinta agabka waxbarashada, soo bandhigidda iyo fulinta imtixaan casriyeysan oo cid waliba kalsooni ku qabto. Imtixaankii dugsiyada sare ee u horreyey waxa la qabtay 2003dii. Barnaamijkii imtixaan ee quruxda badnaa ee wasaaradda iyo CfBT iska kaashadeen wuu mira dhalay, iyadoo hirgelintiisa iyo horumarintiisa ay ka wada qeyb qaateen wasaarada iyo hay’adaha caawiya. Waxaa si gaar ah in loo xuso ay muhiim tahay hay’adda Africa Educational Trust (AET). Waxaa lama ilaawaan ah aqoonyahanka Dr. Rod Hicks oo CfBT iyo AET labadaba u ahaa laf dhabarta Puntland xagga waxbarashada u qaabilsanaa iyo dadkii la shaqeeyey (Soomaali iyo ajnabiba) Imtixaanka Puntland wuxuu ardayda, waalidka iyo bulshada ka kasbaday tixgelin iyo kalsooni loo hayo bahda waxbarashada. Puntland waxay sameysatay shahaado la aqoonsan yahay oo leh astaamo (features) sare oo aan la been abuuri karin. Imtixaanka iyo shahaada Puntland waxay noqdeen tusaale nool oo horyaal Soomaali oo dhan. Inkasta oo dadaalkaas guuleystay ay tahay in abaal loogu hayo dhammaan inta ka qeybqaadatay, haddana waxa si gaar ah halkaan ugu xusayaa hawl wadeenada Xafiiska Imtixaanka Puntland oo geliyey waqti iyo tamar si xafiisku magacaan u kasbado. Waxaa xafiiska iskaga dambeeyey 5 guddoomiye (inta aan goobjoogga u ahaa):

  1. Axmed Salaad Maxamuud(AUN) , 2003 – 2005
  2. Ismaaciil Ducaale Qambi (AUN), 2005 – 2007
  3. Maxamed jaamac Yuusuf, 2007 – 2009
  4. Axmed Maxamuud Warsame (Saahid), 2009 – 2020
  5. Maxamuud Maxamed Saciid (Caynsane), 2020 – ilaa hadda
    Odayaashaas mid weliba meel ayuu gaarsiiyey horumarka Xafiiska Imtixaanka isagoo kaashanaya shaqaalaha hawl karka ah ee uu hoggaaminayey, waxaase muhiim ah in la xuso Ahmed-Sahid oo ugu xilli dheeraa guulaha ugu waaweynna lagu talaabsaday intii uu hoggaanka hayey. Axmed oo ku guuleystay tartan loo galay la taliyenimo xagga imtixaanada Dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada waa u hambalyeynayaa. Waayo-aragnimadii uu Axmed ka kasbaday Xafiiska Imtixaanka Puntland in uu gaarsiiyo u adeegidda Soomaalida guud ahaanna waa guul. Waxaa kaloo nasiib wanaag ah in Xafiiska uu hadda qabtay Maxamuud Maxamed Saciid oo ah nin dhallinyaro ah, aqoon leh, waayo-aragnimo leh, dadnimo leh, karti iyo hufnaanna lagu yaqaan.

IMTIXAANKA DUGSIYADA SARE EE DAWLADDA FEDERAALKA
Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalku waxa ay bilowday shahaado bixin iyada oo aan wax imtixaan ah qaadin 2012kii. Waxay shahaadooyinka ku bixin jirtay imtixaanka dalladaha waxbarashada. Waxay markiiba meel walba u dirtay qoraal shahaadooyinka Soomaalida lagu beeninayo (maba dhalane dhowrteysan oga). Taas aysan imtixaankeeda qaadin ayey meel walba ka dhaadhicisay inay sax tahay. Imtixaanka ay qaaddo Dawladda Federalka ee Soomaaliyeed waxaa si rasmi ah loo bilaabay sannadkii 2016, waa xilligii aqoonyahanad Dr. Khadar Bashir. Imtixaanka federaalka waxaa juhdi badan geliyey Wasaaradda Waxabarashada Dawladda Federaalka, Dalladaha Waxbarashada iyo hay’adda Africa Educational Trust (AET) oo iskaashanaya. Waxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland u dirtay 2 tababare oo xafiiska imtixaanka Puntland ka socda. Wuxuu imtixaanku la kulmay ammaan darro, kalsooni xumi, qish iyo bixid. Sannad uusan imtixaankiisa bixin ma jirin, waxaase sannadkii tegay gaar ku ahaa gelinta baraha bulshada. Wasiir Goodax oon tartiibin iyo turid lahayn baa malaha casharka la siinayey (Xoog waxaa ugu daran midkii xarrigga kaa gooya). Waxaa intaas dheeraa iyada oo madaxda sare ee wasaaradda iyo ciddii ay wax u waastaynayaan loo daabaco shahaado iyada oo aan qofkaasi imtixaanba gelin, in kasta oo aanan 3dii sanoo ugu dambeeyey wax badan kala socon in arrintaasi weli socoto iyo in kale. Halkii liishaanka la saari lahaa kobcinta, horumarinta iyo tayeynta imtixaanka, waxaa lagu mashquulay yaa ka maqnaan kara!
Dawladda Federaalku waxa ay heshiis Puntland kula gashay in ay shahaado siiso mar haddii ay teedii meel walba ka soo xirtay. Hadda dad maqnaa iyo dal marraa yimid! Wasiir Goodax wuxuu ku bilaabay isku dir ardayda, waalidkood iyo wasaaradda oo uu isaga hor keenayo. Markii uu ku guulaysan waayey wuxuu ku xijiyey been abuur iyo imtixaan baa baxay. Wuxuu ku xijiyey may isdabaraan haddaysan imtixaankayaga gelayn. Waxaa ugu dambeysay in uu Puntland kala qeybiyo oo yiraahdo qaar baa ila socda, u hanjabo, eeddeeyo qof kasta oo shaahada ka hadla, isu muujiyo inuu dadka hadlay uga damqasho iyo turid badan yahay ardayda Puntland. Dhaqankiisu wuxuu i soo xusuusiyey tuducyadii Dhoodaan ee ahaa “waayeel lillahiya dubaha yaa wab kaga siiyey, shaqaalaha (ardaydaan) wisiisigu ku dhacay yaa ka wayrixiyey”. Maxadweyne Faroole, Wasiir Juxa iyo Wasiir Cali Xaaji oo wasiir Godax ka dhigay dad dano gaara wata, waa raggii xilliyadoodii waxbarashadu horumarka ugu sarreeya gaartay. Geedkii ay wax ka waraabiyeen, kobciyeen markii uu ubax iyo miraha saaray yaan salka laga goyn ma dambi bay noqotay. Wasiir Cabdullaahi inuu yiraahdo awood ma leh waa ku ceeb iyo waana ku gef, “Maxaa keenay maahmaah marinkeeda aan helin”, Cabdulqaadir Cali Cigaal (AUN). Dabcan waa Goodax! Dubahase isagu daabkuu hayaaye amarku waa durugsan yahay. Waxaan taas u iri wasiir Cabdiraxmaan oo ka horreeyey hadal uu qalbi wanaag ula jeeday iyo in tayada la hagaajiyo oo sidii ugu habboonayd uusan u oran baa xilka looga qaaday. Marka tani sow uma muuqato markii uu Puntland dhagax ku tuuraba in kor laga leeyahay GOODAX! GOODAX! GOODAX!, isaguna macaansibu mar kastaba u leeyahay hadal meel an loo deyin. Waxaadse uga hadhaa “Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiya, iyo kii duleedshaay ku yiri wax isma doorshaane” (Qamaan Bulxan).

AR KA KUD WAA BERIGAY BAKAARAHA KU BANI JIRTEE
Sheekadaan in ay run tahay iyo in la sameeyey ma garan karo, waxa ayse xambaarsan tahay murti wax ku ool ah. Ciidamada Xoogga Dalku waxa ay dab-rid ku sameyn jiray Ceel-Cadde oo u dhexeysa Xamar iyo Cadale. Digniin ku filan ayaa la siin jiray dadweynaha marka kasta oo dab-rid jiro. Maalin maalmaha ka mid ah ayey dayuurado dab-rid ula yimaadeen meeshii. Nasiib darro rag aan maqal digniinta ama ay ka hoos baxday ayaa dhagax ka jabsanayey maalintaas. Waa maalin Talaado ah. Raggii qaar baa bunbooyinka ay dayuuraduhu tuurayeen firirkii ka dhashay ka dhigay mid jaban iyo mid jiis ah. Bulshada maalin madow bay u noqotay. Muddo ka dib raggii oo dhagax jebin ku mashquulsan baa nin ka mid ihi guux maqlay. Ar Cabdulloow buu tannaago ku yiri. Suu ye “haye” inta hadalkiisa dhiilo ka dareemay. Wallee bariga Talaada maaha? Nabee Talaada waaye buu Cabdulle ku jawaabay. Suu ye “Ar ka kud waa berigay bakaaraha ku bani jirtaye” (war ka carar waa maalintii meesha aan dhagaxa ka jabsanno ay duqeyn jirtaye). Hadda waxa ay taagan tahay ar ka kud waa berigii waxbarashada iyo imtixaanda la tayo xumeyn jiraye.

GUNAANAD IYO TALO BIXIN
Aan wada hadalno waa aan heshiinno. Hadalkuna wuxuu daawo ku yeeshaa in runta la taabto; xaajo aan sidii daba riyaad loo faydini ma fayoobaato. Runtu waa intaas aan soo bandhigay iyo in badan oo kale oo marka la wada hadlo imaan karta. Imtixaanka ha galeen hadal aqoon, xirfad iyo qiyam midna kuma salaysna. Waa in horta la fahmaa in imtixaanka ay ka horreyso manhajka oo la isku afgarto, manhajka oo macallimiin lagu tababaro, manhajka oo la fuliyo, iyo hawlo badan oo kale oo la qabto. Immisa sano ka dib bay imtixaankaas geli karaan haddiiba lagu hesheeyo. Mar haddii aysan taasi xal ahayn, waa in ardayda shahaadadooda loo tasdiiqiyo. Waa xal fudud oo xaq ah haddaan la iska indho tirayn.

Talooyin gaagaaban Ayaan halkaan ugu soo jeedinayaa Puntland & Dawladda Federaalka
A. PUNTLAND: Reer Puntland waxa aan kula talin lahaa maamul iyo dadweynaba

  1. In dooddoodu noqoto in shaahadooda oo juhdi, waqti iyo dhaqaale badani ku baxay loo tasdiiqiyo, oo aysan noqon kuwo raadiya shahaado la siiyo. Xaq bay u leeyihiin:
    a. Oo waa u soo halgameen,
    b. Oo dastuurkaa qaba,
    c. Oo horumarinta iyo tayeynta waxbarashada ayaa ku jirta
    d. Oo waxbarashada hal meel laga maamulo waa la soo tijaabiyey, lagumana guuleysan.
  2. In ay ardaydooda uga turaan in ay ku dhextuuraan imtixaan aan lagu kalsoonaan karin oo mowjado dhex muquuranaya. Tubaha halaq yaalka, Hog laygu qaniinay, ku sii hiradkiisa, ka haari agtiisa, ayaa ka hagaagsan. (Hadraawi)
  3. In ay u yeeraan oo casumaad sharafeed u fidiyaan xildhibbaanada iyo wasiirada federaalka ugu jira, u sharraxaan qadiyadda min bilow illaa dhammaad. In ay si qurux badan ugu iftiimiyaan taariikhda la soo maray, dhibka jira, waxa loo baahan yahay iyo xalka suurtagalka ah. Xildhibaanadu iyaga oo aan waxa fahamsaneyn baa laga yaaba in ay qaaddo qiiro, ka dib loo tuso in Puntland sed bursi raadinayso oo ay si sahal ah isaga qancaan. Waxa imtixaanka ka horreeya waa inay fahmaan. Imtixaan maamul goboleed qaado ama dugsi qaado ama hay’adi qaaddo inuusan waxba u dhimayn dawladda dhexe ee ay ku xiran tahay sida ay ula shaqeyso, u ilaaliso, ugu qaraynto waa in horta la isla meel dhigaa. Tuducdii Hadraawi ee ahayd “dugsi keliya baa jira, diric keliya baa dhiga” waa in laga baxaa.
  4. In la yareeyo wasiir Godax in hadalka lagu kululleeyo, in kastoo aniga laftaydu wax tuurtuuray. Haddana waxay ku qurxan tahay si asluub, tixgelin iyo qadarini ku jirto in loo wada hadlo.
    B. Dawladda Federaalka: Waxaan kula talin lahaa
  5. In aysan noqon arki-jiray doon. Ubadka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed masuuliyad baa ka saaran ee waa in ay ku fekaraan waxa danta u ah, suurtagalka ah, cid walba qancin kara, tartan iyo tayo waxbarasho oo wax ku ool ah keeni kara. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa hoggaamiye waxaa u liita ka yiraahda: Arkay oo anaa iska leh, iri oo looma noqdo, aniga wax la iima sheego. Sida ay jecel yihiin in loo dhegeysto, loo ixtiraamo dadka ha u tixgeliyeen, masuuliyaddana ha u ogolaadaan. Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusin, maso inaannu nahay oo tolnimo meerto noo tahaye (Saahid Qammaan). Waxbarashada Soomaaliya maanta waa tabar daran tahay, waxayna u baahan tahay siyaasad deggan, qorshe fadhiya, dhiirigelin iyo wada shaqeyn. Dawladda dhexe iyo maamul goboleedyadu waa in ay la yimaadaan xal wax ku ool, waase in marka hore laga helaa dawladda federaalka ah hoggaamin qabow oo leh tartiibin, tixgelin iyo turxaan bixin. Hoggaamiyaha dadnimada iyo isku wadka leh waxaa lagu gartaa adeegsiga hoggaaminta la jaanqaadda xaaladda markaas taagan. Caqliga ah shahaadada haddii aysan Dawladda Federaalku bixin dawladnimaday wiiqamaysa waa arki-jiray doonkii aan soo sheegay. Shahaada dugsiga sare waxaa bixiya dugsiyo, magaalooyin, hay’ado, maamullo iyo dawlado. Aragtida ah in dawladnimo ku daciifayso ku beddel in ay ku xoogsanayso, masuuliyad ku yeelanayso, tayada iyo tartanku ku badanayaan.
  6. In ay si rasmi ah u aqoonsato shahaada Puntland, isla markaas Xafiis Wasaaradda Arrimaha Dibadda ahi ku tasdiiqiyo Garowe. Taasi waxa ay keenaysaa masuuliyadda oo la qeybsado iyo adeegga oo dadka loo fududeeyo. Intaas ka dib waa in maamul goboleed walba iyo gobolka Banaadir la siiyaa waqti go’an oo uu kula wareego imtixaankiisa (tusaale 2 sano). Haddii maamul goboleed kula wareegi waayo imtixaankiisa muddadaas, waa in uu jiraa sharci dawladda dhexe u siinaya awood in ay u maamusho imtixaanka muddo go’an (tusaale 5ta sanoo soo socota). Haddii arrintaas la sameeyo waa dhiirigelin, waxaana bilaabanaya tartan iyo gobol waliba inuu guntiga dhiisha iska dhigo. Yeerinta iyo amar siinta waxaa ka fiican in dadka caqligooda iyo aqoontooda la adeegsado, la tartansiiyo, la dhiirigeliyo, dusha laga hago, la kormeero, la qiimeeyo, lana abaal mariyo. Hadda waxaan ku jirnaa tuducdii deeleyda ee ahayd “Dib u soco hore soco, hore iyo dibba u soco, darandoorri saan-qaad maxaa daal la kororsaday”, Yusuf Xaaji Aadan. Ma ka baxnaa iska daba meeraysiga, mise wa isdaboolnaa nin dulmiyan Allaa oge.
  7. In ay kormeer ku sameeyaan habsame u socodka waxbarashada; fulinta siyaasadaha iyo hagayaasha waxbarashada, tababarada, dejinta iyo qaadidda imtixaanda, talo celin joogta ahna la wadaagaan maamulada si loo xoojiyo kobcinta iyo horumarinta waxbarashada, loona daboolo baahiyaha iyo god daloolooyinka jira.
  8. In deeqaha waxbarashada lagu baxsho tirada ardayda, dadaalka iyo waxqabadka sarena loo qoondeeyo abaal marinno dheeraad ah, si tartanka iyo dhiirigelinta loo xoojiyo.
    Aragtidii dhankaygiyo, arag-waayahaygiyo waxaan oran laha iri. Ama aas danteenoo ubadkaas mar ha u nixin. Ama oday wax garadoo arrinshaa laguu garan. Adaan kula hadlaayaa. Waa kuma? Bal adba!
    Qoraaga qidcadu waa Cabdullaahi Nuur Salaad
    Oday Soomaaliyeed oo dhibka ardayda Puntland haystaa ka damqaday

Qore: Saed J. Abdulkadir

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s