September 22, 2019
Fadlan, hagaajiya qoraallada Dekreetooyinka xil-macowga Madaxtooyada Puntland. Xusa qodobadda Dastuurka ee aad cuskateen, Xeer Lr., noocca waayo-aragnimada iyo noocca aqoonta sargaalka ama qofka la magaccabay (hawlihii qofku soo qabtay, heerka aqoonta):
“Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu Arkay : Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka.
Markuu Tixgeliyey: Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo.
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa Mulki Abdisamad Hussein loo magacaabay Wakiilka Dowladda Puntland ee Dalka Maraykanka.
- Xeerkani wuxuu dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay”
Qoraalka nooccaan ah waa kaan ku bilownay 1998. Fadlan horay u mariya oo hagaajiya, ha ilaawina hakadka sadar walba, ilaa dhamaadka dekreetada, siiya nuqullo Anti-dhawrka Guud, Xisaabiya Guud iyo wasaaradaha iyo hay’addaha ku aadan xil-magacowga.
@ismailwarsame
Annual subscription
$37.00
Ismaaciil X. Warsame