XUDEYDI, ISMAHAAN IYO ISMAACIIL

Abriille 8, 2020

Waxaan kasoo duulay Vancouver, Kanada, via London, UK. Waxay ahayd Oktoobar 1995. Waxan go’aansaday in aan dalkayka Soomaaliya dib ugu soo laabto. Weli waxaa socda dagaalkii Sokeeye. Markaa, Xamar waxay ahayd bal-galeen la isku baaba’ay. Waqooyi Bari Soonaaliya khilaaf siyaasadeed oo xoogan baa ka jirey. 
Waxan kusoo talagay in aan Imaaraadka shaqo ka holiyo, ugu horayn, inta aanan tegin gobollada Waqooyi Bari. Waxaan yaraha ku hakaday London mudo dhawr bilood ah. 
Waxaan ahaa doob gaamuray, oo malaha u baahan in uu qoys yeesho iyo murwo uu salaadda ku dhawrto. Waxaan London iska helay Murwadeyda berri ee ii dhalidoonta Cawo, Osob iyo Caasha, Ismahaan Cabdirahmaan Bootaan (Indhaciiro).
Meherka iyo aqal-galka kahor, ayaa Murwo Ismahaan iyo anigu habayn gurigayaga Xaafadda Brixton ku casunay Maxamuud Ismaaciil Xuseen (Xudeydi), aabihii guitar-ka Soonaaliya. AHN, Xudeydi wuxu ahaa fanaan habaynkii oo dhan soo jeeda, guitar-kana tumayaa kala joogsi-la’aan. 
Ujeedada casumaadayadu Waxay ahayd in aan ku qancino Xudeydii kasoo qaybgalka Arooskayaga London, oo isaguna ku noolaa. Habaynkii Xudeydi, Ismahaan iyo anigu waa wada dhafaray. Aroor hore, ayaan Xudeydi sii mariyey ATM-ka Bangigii loo yaqaanay Midlands, ayadoo gacanteydu ayan masuugeen.
Xudeydii ka qaybgalka arooskayagii waa u gooyey. Mar hadaan saa u hagaajiyey, waa imariweyday sababta uu Xudeydi nooga af-gambisaday. 
Waa dambe ayaan ogaaday sababta uu Xudeydi arooska ugu gooyey. Ileen fanaanku, intii anan guursan Murwada, ayuu horey u caashaqsanaa, oo wuxuuba isu qaatay dhibane jacaykiisii laga dhacay.
Alle hawnaxariisto marxuunka.


Qore: Ismail Xaaji Warsame

Garoowe, Puntland. 

https://ismailwarsame.blog

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s