QURBAJOOG, QORAXJOOG, ISMAANDHAAF KALAMAAN

Garowe, 19, 2019

Meesha qurbajoogtu isu arkaan kuwo kusoo laabtay dalkoodii ay ka qaxeen iyaga oo yar yar ah oo hooyooyinka iyo aabayaashu gacanta ama dhabarka ku sidaan, dagaalkii sokeeye awgiis. Waxay kaloo qurbajoogtu aaminsanyihiin in ay dalka wax kusoo kordhinayaan dhinac walba aan qoraxjoogtu awood u lahayn sida farsamada, maalgashiga iyo xiriirka aduunka.

Labada aragti waxay keeneen ismaandhaaf iyo kalamaan dab kusii huriyey isqabadyadii Soomaaliya horeyba uga taagnaa dhanka diinta, siyaasadda, dhaqaalaha iwm.

Meelaha xiisadaha iyo xasaraduhu haataan si ba’an uga taaganyihiin waa goleyaasha Dawladda Federaalka iyo kuwa Dawlad Gobolleedyada, oo aad uga muuqdaan madax sare oo qurbajoog ah.

Arrintu armey isu badashaa iskahor-imaadkii ka dhexdhacay Liberia 1900-medyadii. Waa arrin dhexdhexaadin iyo ukala dabqaad mudan.

Warsame Digital Media WDM
https://Ismailwarsame.blog
@ismailwarsame

Leave a comment