SOOMAALIYA: KALA GUUR, KALA HAYAAN AMA KALA SOCOD

Garowe, June 18, 2019

ANNUAL SUBSCRIPTION

$37.00

Waxay ahayd in Soomaaliya laga soo saaro godka dheer oo ay gashay laga soo bilaabo 1969 markii la afgambiyey dawlad dadku soo doorteen oo well yaklel ah; dastuurkii lagu heshiiyeyna la tuuray, markaana dadka Soomaalidu kala qaxay, kala guuray ama kala hayaamo – qaar noqdeen kacaan, kuwana kacaan-diid.

Waxaa xigtay kuwo in ay noqdaan mujaahidiin, kuwo kalena faqash, haraadi ama looma ooyaan.

Waxaa halkaa ka dhalatay mujaahid iyo murtad.

Waxay haatan taagantahay Nabad & Nolool iyo maamul gobolleedyo.

Uma eka in taariikhda, haba yaraatee, wax laga bartay. Taa macnaheedu waa ku soco wadadii shalay keentay burburka bulshada dhan walba. Malaha, Juut & Jamaajuutka la sheegaa waa Soomaalida? Bal taa inaga hubiya? Hadayse taa yihiin, sidee wax looga qabankaraa Weynaha ayaa sida u abuuraye?

Ma isleedahay arrintu cilmi-baaris dhexdhexaad ah ayey u baahantahay? Taa lafteedu haday inaga noqoto tira-koobkii Wasiir Caynte ama sheegashadii, dhul iyo dad balaarsigii Jeneraal Caydiid, waxba islama heleyno. Waa jugjug meeshaada joog ama gacmo daalis.

Soo markaa ma aha kala guur, kala hayaan ama kala socod, sharkeeda Weynaha aan ka hoos galno.

https://ismailwarsame.blog

@ismailwarsame

Author: Warsame Digital Media WDM

About the blogger: This blog is associated with the former Chief of Staff in Puntland State Presidency, 1998-2005. He also worked with the UN and World Bank Joint Secretariat for Somalia’s Re-construction and Development Program (RDP), 2005-2006, as a Zonal Technical Coordinator for Puntland and later as National Aid Technical Coordinator with the Transitional Federal Government of Somalia and European Union. He is now an independent political analyst and commentator on current issues and occasionally gives historical perspective on modern Somalia’s politics. He lives and works in Toronto, Canada. He can be reached at: ismailwarsame@gmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s