ALLOW NAGA HAY HIMILO XUMIDA WAKIILLADA PUNTLAND

Annual subscription

$37.00


Garowe, June 15, 2019


Waa maalin sabti ah. Waa furitaaka Kalfadhii 44-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Waa arrin dastuuri ah in Madaxweynaha Dawladdu furo kalfadhiyaasha Golaha Wakiillada iyo kan Wasiirradaba

Furitaanka Kalfadhiga Golaha Wakiillada waa hawsha ugu fuduud ee Madaxweynaha Puntland qabto, mar haddii uusan innaba ka walwaleen isla xisaabtan kaga imaanaya xubnaha Golaha Wakiillada Puntland, waa nasiib-darada soo taxnayd ee ka dhacday ismaamulka Puntland.

La xisaabtan la’aanta Golaha Xukuumadda (Wasiirrada) waxay sal taariikheed u tahay abuuritaanka iyo joogtaynta waxa dadka Puntland u bixiyeen “Madax-ka-Nool”, taa oo la mid ah in Madaxweynaha Dawladdu, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada, uu yahay kan waxwalba go’aamiya, khasnadda maaliyedda Puntland-na u furantahay, uu yahayna sargal ka sareeya dhamaan dastuurka iyo xeerrarka Dawladda Puntland.

Waa iska cadahay Golaha Dawladda ee gabey hawshii dastuuriga ahayd ee loo idmaday: Golaha Wakiillada Puntland.

Xubno Gole Wakiil ee u haysta in gunnada ay qaataan bishii tahay laaluush ka yimi Madaxweynaha Dawladda Puntland, ee aan laga soo ururin murwada cadceeda la fadhida majin qaad ah har iyo habayn, si ay caruurta aabahood gabey caano ay cabaan uga raadiso, ayaan xumo.

Waxa intaa oo dhan ka daran, dabagal la’aanta Golaha Wakiillada Puntland xeerarka kasoo baxa Golaha laftiisa. Tusaalaha ugu yar waa baccaha Caasimmadda Garoowe buux-dhaafshay oo ariga magaaladu maalin walba intuu liqo ku haligmo, geed-walbana qalajinaya miyi iyo magaalaba, iskaba dhaaf ilaalinta deegaanka iyo xaalufinta si joogta ah uga socota dalka. Ma jirto dabagal fulinta xeerarka iyo la xisaabtan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada, ama saraakiisha kale ee Dawladda.

Maanta, isweydiinmeyno heerka uu gaaray musuqmaasuqqa siyaasaded ee Puntland, oo tusaale looga dhigikaro waraabihii qaybinta hilibka Habar oo Dugaag u dooratay in uu garyaqaan ka noqdo. Musumaasuqqa siyaasadeed ee Soomaaliya, gaarahaan kan Puntland, wuxu haybaddii iyo karaamadii ka qaaday dhaqankii Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa.

Siyaasaddii Puntland waxay isu rogtay suuq hilib oo si cad iyo barer ah wax loo kala iibsado.

Xubno Gole Wakiillo oo suuqqa laga soo iibsaday, ama isasoo ibsaday, Allow naga hay himilo xumidooda.

Warsame Digital Media WDM

ismail@ismailwarsame.blog

@ismailwarsame

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s