MA LA JOOGTEYNKARAA GUULAHA SOOMAALIDA WAQOOYI AMERICA?

Soomaalida ku nool Waqooyi America waxay gaareen Guulo la taabankaro, siiba dhinacyada Waxbarashada iyo Siyaasadda. Hurumarkaa wuxu ku yimi dadaal dheer ee bulsho iyo shaqsiba.

Markii ugu horeysay ayaa Soomaalidu wakiillo ku yeesheen Hay’adha looga taliyo Waqooyi America, saamaynna ku yeesheen sharciyada lagu dhaqo bulshada Waqooyi America. Waxaad moodaa in dadkeennu arrintan weli ku baraaruksanayn.

Ku dayashada hataan Waqooyi America ka nuureysa waa Axmed Xuseen, Ilxan Cumar, Faysal Xassan iyo Cabdi Warsame.

Su’aaluhu waxay yihiin: Ma la joogtaynkaraa guulahaa? Ma la xajisankaraa guusha? Ma lugu duldhisikaraa guulo kale?

Nin Soomaali ah ayaa dhawaan yiri: Illeen doorashada Xildhibaan halkan waxaa ka dhibbadan ku hayntiisa Xildhibaannimo?

Su’aashani waxay ku saleysantahay dhaqanka dadkeenna oo mar keli ah qadiyad u kaca, deedna shiiqa sida xunbadii. Joogtayn ma leh. Waa lagama maarmaan in aan dhaqankaa deg deg wax uga badelno.

Dhanka Siyaasadda, waxa jira xaalad ku dhacda qofka. Waxaa loogu yeeraa: political cynicism (quus siyaasadeed). Waxaa la yiraahdaa qofka mucaaradka ah waa ka fiicanyahay qofka gaarey quus siyaasadeed. Marka qofku ka goosto in uu codkiisu wax tarikaro, joogitaankiisa wax ku oolyahay, siyaasiintana nacayb u qaado, waa marka bulshada iyo hogaankeedaba loo yaabo.

Siyaasiintu waa dad hawlo mashquul ku ah, qof walba masoo booqankaraan si ay u qanciyaan, sidaa awgeedna waxay ku qabtaan xaflado iyo shirar xaafadaha laga soo doorto, oo halkaa qofkii su’aal qaba ku weydiiyo.

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s