Geellow Daaq oo Daaq, Laakiin Waxaa Laguu yaabaa Markaad Ciin Daaqdo

Qore: Maxamed Muuse Cartan

Ikraan waxa ku dhacay waxba kama duwana wixii ku dhacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaliya Cabdiraxmaan wuxuu haystay askar hubaysan oo ilaalisa oo si fudud ama sahal looma afduuban karin sida ku dhacday Ikraan.

Mana jiri karto wax sabab ah oo Ikraan loo dili karo, sidii aysan u jirin wax sabab ah oo dhali kartay in Cabdirahmaan Cabdishakuur duulaan qaawan habeen-barkii loogu soo qaado, laguna laayo ilaaladiisii iyo dad la joogey , isagana dhaawac loogu geystey, oo aan ka ahayn awood sheegasho (Abuse of power) iyo waxa afka baxaariga Jubada hoose lagu yiraahdo: KU TUSIYEE, afka reer mudugana lagu yiraahdo: Wallaahi baan la iskaa weydiinayn!

haddaba galka dacwada Ikraan waa ka weyn yahay Gaaljecel iyo Soomaali labada, waana arrin Caalami ah, waxaana laga yaabaa in mar hore xaqiiqdeeda la uruuriyey, sidii loo uruuriyey xaqiiqadii wariye Khashoogi safaaradda sacuudiga loogu dhex diley. Waxaa filayaa in Ikraan ay haysatay waddaniyad ah Isbahaysiga Boqortooyada Ingiriska (UK) ama British Passport.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Geelow daaq oo daaq, waxaase laguu yaabaa maalintaad ciin daaqdid,”

Fahad iyo Farmaajo waxaa laga sugayaa ciddii ay isku furan lahaayeen, markii xaqiiqadu soo baxdo, si la mid ah sidii Maxamed salmaan uu isugu furtay qaar ka mid ah dambiileyaashii fuliyey dilka iyo saraakiil ka mid ah sirdoonka Sacuudiga oo madaxa laga saaray eeddii dhammaanteed.

Haddaba waxaa dhici karta in Fahad Yaasiin oo awalba ul booc ah loogu tukubayey, in arrintaani Rooble ku dhiiri galiso inuu xilka ka qaado, lagana xannibo inuu dalka ka baxo inta dacwada meel laga saarayo. haddii ay taasi dhacdo wax walba filo! Xaq feeraha ayuu ka dillaacaa.

“What did Farmajo know, and when did he Know it?”

Arrintu Fahad ma dhaafi doontaa. Farmaajo muxuu ka ogyahay arrintan, goorma ayuuse ogaadey,

Allow Ammuuraha sahal

One-Time
Monthly
Yearly

Make a one-time donation

Make a monthly donation

Make a yearly donation

Choose an amount

$5.00
$15.00
$100.00
$5.00
$15.00
$100.00
$5.00
$15.00
$100.00

Or enter a custom amount

$

Your contribution is appreciated.

Your contribution is appreciated.

Your contribution is appreciated.

DonateDonate monthlyDonate yearly

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s