AMID CAPTURE AND EXECUTION OF SOME EXTREMIST OPERATIVES, IT IS TOO EARLY TO CELEBRATE IN GALKAYO

Puntland authorities may get complacent and put their guard down as a result of some initial successes in apprehending and bringing some extremist foot-soldiers to justice. Authorities should take note that they are dealing with mafia-style organization consisting of leadership, intelligence networks, financiers and supporting local and national networks. In Puntland urban centres, there are local financiers and intelligence networks of Al-Shabab that needs to be dismantled and eliminated.

Foot-soldiers of Al-Shabab are easy to be replaced promptly. In military terms, this recruitment isn’t expensive for a mafia organization extorting businesses on daily basis, and acting as a shadow government in the country. There is no shortage of funds in its recruitment drive of young unemployed and disillusioned youth in inner cities of Somalia.

What is needed here is penetration of the organization’s financial system and intelligence networks. Real successes depend on disrupting and breaking up this backbone of the mafia.

Now that residents of Galkayo have discovered the evil nature of Al-Shabab, and a lot of confusion and unknowns are cleared, a counter religious narrative is badly needed to warn people of the blasphemy of the group and its peudo-religious activities. People have to rise up against the satans in towns. Residents must also know that the authorities, in isolation, couldn’t do the work effectively without the cooperation of the general public. Those who rent out rooms in their houses must know their tenants. Businesses should know their customers. Suspicious activities should be reported immediately to the authorities. Strange and threatening telephone calls should be monitored and reported. In short, citizens should fight back to help eradicate the menace of Al-Shabab in the country.

https://amazon.com/author/ismailwarsame

CALULA WAA MAGAALO GUUN AH

Calula (Alula) waxay ahayd Xaruntii labaad, Muqdisha ka dib, ee maamulkii gumaystaha Talyaaniga ee Somalia. Waxay leedahay gago dayuuradeed oo far cad oo waaweyn “AULULA” (CALULA) ku dul qorantahay, meel fogna adoo dayuurada saaran arkaysid. Dhanka waqooyi galbeed ee Calula waxaa ka mutuxan buurta BooliMoog. Dhismayaasha Calula waa kuwo ka gadisan kuwa Somalia, marka laga reebo kuwii Talyaanigu ka dhisteen. Waa dhismo Carbeedyo taariikh hore kasoo jeeda. Kuwa halkaa Talyaanigu ka dhisay oo waaweyn, waxaad isleedahay ma “Kaniisadaa?” Qaargood weli waxaa dusha ka saaran qalabkii ilaala Badda Cas ee Ciidamada badmaaxyada faashiistigii Benito Mussolini. Isbitaalka Calula waxaa loogu magac daray Regina Margareta (Boqoradii Margareta) ee Talyaaniga. Weli waxaa isbitaalka ka muuqda sariirihi iyo quraaradihii daawadii 1930-kii la sameeyey.
Dadka Calula ku nool waxay wax la qabaan kuwa Reer Bariga kale, marka laga hadlayo canshuur-nacaybka, sidaa awgeedna, dawlad-diidnimada. Samankii dawladihii hore, askariga canshuur-qaade ah ee Gobolka Bari loo diraa, wuxuu Muqdisha kusoo laabanjirey isagoo maalqabeen ah, siduu laaluus halkaa uga guranayey.

Waxay ahayd bartamihii 2006 markii Xafiiska Qaramada Midowday (UN) ee Nairobi ii ogalaatay in aan aniga iyo koox ila shaqaysa safar cilmi-baaris ku tagno magaalooyinka Iskushuban, Xaafuun iyo Calula. Wafti dawlad Soomaaliyeed oo Calula tagaa waxay ahayd marsoobax, iskaba illow mid Puntland ka socda.

General Mohamud Muuse Xirsi (General Cadde), oo ahaa Madaxweynaha Puntland, ayaa iga codsaday in uu fursada duulimaadkayga “Bariga Fog” ka faa’iideysto. Ogalaansho UN ka dib, waxan qaaday General Cadde, Wasiirkii Warfaafinta, Abdirahman Bankax, iyo Wasiirkii Amuuraha Gudaha iyo Amniga, Ahmed Abdi Xaabsade.

Guddoomiyahii Degmada Calula wuxuu nagu sooryeeye hilib ari, meeshii aan ka sugeynay kaluun iyo khayraadka kale ee Badda Cas- waa ka qawadnay qadadaa. Ruun Dooxajoog oo ka mid ahayd gabdhihii na martigeliyey, ayaa tiri, “war bal iska aamusa. Marka keli ah oo aan hilib xoolaad cunnaa waa markaan dabaaldageyno sida maantoo kale”.

Taa kahor, anagoo dulheehaabayna Iskushuban, ayaan Madaxweyne Cadde Muuse ka codsaday in uusan ruqsayn Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland, Abdirhaman Mohamed Mohamud Faroole, mar haduu ahaa wasiirka u qaabilsan dhanka Puntland xiriirka hay’adaha dawliga ah sida UN, oo anigu aan Wakiil uga ahaa dhanka daraasaynta baahida dib-u-dhiska Puntland, mar haday dhisantay dawladda Soomaaliyeed ee TFG. Faroole markaa waxaa loo haystaa qulqulatooyin dad ku dhinteen ee ka dhacday dhismaha Golaha Wakiillada Puntland. Cadde, wuxu iigu jawaabay, “Faroole basarxumo ayuu sameeyey”. Soo jeedintayda hawada kore ee Iskushuban ka dhacday, gacan uguma siin wasiirrada Bankax iyo Xaabsade. Faroole iyo Xaabsade saaxibna wey ahaayeen, isku doon siyaasadeed markaa wey wada saaraayeen.

Markaan Bosaso kusoo laabtay, ayaan Faroole oo Garowe jooga soo wacay, oo u sheegay in aan Cadde agtiisa waxba u oolin. Faroole waxaa dhaqan u ah, markuu dib kala kulmo dalka, in uu Australia gabaad ka dhigto – markaa ayuu Puntland halhalel uga dhoofay, isagoo aan weli wasaaraddii laga qaadin, xilna wareejin. Kornayl Abdi Salad ayaa badalay Faroole.

Image of historical Alula

https://amazon.com/author/ismailwarsame

Waxaad noo sheegtaa nooca federaalka ay soomaaliya qaadatay

Su’aasha kor ku xusan ayaa lasoo weydiyey Warsame Digital Media WDM. Waa tan jawaabtu:

Dawladda Federaalku waxay ka koobantahay sadex heer:

  1. Dawladda Dhexe
  2. Dawladaha Xubnaha ka ah tan Dhexe
  3. Dawlado deegaanno oo hoos yimaada dawladaha xubnaha ka ah tan dheexe. Waxay leeyihiin golayaal deegaan, meesha kuwa kale leeyihiin sadexta qaybood ee dawlad heerkooda (dhexe, gobolleed, deegaan). Dawlad-gobolleedyo waxay u yihiin dawlad dhexe dawladaha deegaannada. Dawlad-gobolleedyadu iyana waa in ay xukunka sii baahiyaan ila heer tuulo-deegaan. Deegaannadu waa ay yeeshaan la haansho talo iyo mashaariic waxqabad iyo hurumarineed.
  4. Awoodda Dawladdu waa u kala qaybsantahay madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada. Waaxa kaloo kala qaybsan awooddaha sadexta qaybood ee dawladda. Madaxweynu waa madaxxa jamhuuriyedda, mana laha awood ka baxsan dastuurka. Wasiir koowaad waa afhayeenka Golaha wasiirrada iyo guddoomiyaha fadhiyadda golaha. Wasiirka koowaad ma laha awood ka baxsan golaha. Madaxweynuhu ma marooqsankaro awood aan dastuurku u ogalayn.
  5. Waxaa jira xukun baahis iyo wadaag khayraadka dalka, oo laga kabo dhanka dhaqaalaha, dawladaha xubnaha aan isku filayn. Sidaa waxa meesha ka baxaya ku tagrilfal awoodda dawladnimo iyo dib u dhac gobollada qaarkood.
  6. Awooddaha sida loo kala leeyahay Dastuurka Federaalka ayey ku qorantahay, wuxuuna hadda dastuurka qabyo-qoraalku u baahanyahay dhamaystir iyo in loo qaado afti dadweyne.
  7. Waxaa dhacaya doorashooyin guud.
  8. Sidaa awgeed, nidaamka federaalku waxaa lagu tilmaama heerkii ugu toolmoona ee dimoqraatiyada.

Fiiro Gaar ah:

Haddii dawladda dheexe shaqayn weydo, ama burburto, dawladaha kale ayaa shaqaynaya. Ma dhacayso 1991 dhambe.

https://amazon.com/author/ismailwarsame