Hayaan, Safarkii Dheeraa ee Wiilka reer Miyiga wuxu falanqayn doonaa arrimo badan ee la xiriirra jawaabaha su’aallaha kor xusan iyo kuwo kaloo muhim ah, si dadban iyo si toosba ah, aadna xasaasi u ah, oo geesinimo dheeraad ah u baahan si buuggu u noqdo mid dhacal gal ah, oo caadifad qabiil iyo mid shakhsiba ka fogaada. Sidaa aweed, waxay noqoneysaa in loo dhabar adayg, canaan iyo maagba buuggani muggisu soo jiidandoono. Gaar ahaan, buuggani wuxu baallal badan ama qoraal dheer siindoonaa taariikhdii iyo dhacdooyinkii siyaasadeed ee Soomaliya waayihii dambe sida:1.Baraarrugii ugu horeeyey ee siyaasadeed ee Qoraaga mudadii lixdamaadkii iyo taariikh nololeedkiisii.2.Taariikhdii Jabhadda Dimoqoraadiga Badbaadinta Soomaliya (SSDF), mucaaradkii siyaasadeed iyo ciidan ee abaabulaa ee ugu horeyey, oo ka soo horjestay Dawladdii Saraakiishii uu u sareeyey Maxamed Siyaad Barre ee hogaamiye u ahaa. SSDF waxay asaasantay ka dib Dagaalkii Ogaden 1977-1978. Halgangii SSDF wuxu keenay in ay ka daba abuurmaan Dhaqdaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM) iyo Golaha Midowga Soomaaliyeed (USC), oo iyadu ahayd koox ka go’day SSDF, markii burbur siyaasadeed kusii dhacay Soomaaliya, halganka hubaysan ee SSDF iyo fasaad dhaqan-dhaqaale gudaha Soomaaliya awgood.3.Dadaaladii ku aadanaa middaynta uruurrada ka hor jeeda si loo fuliyo afgambi xoog ah oo lagu sameeyo Dawladdii keli taliye Siyaad Barre. Ujeedooyinka Mengistu Haile Mariam ka lahaa dhismaha ururro mucaarad Soomaaliyeed. Weli ma isbedeshay, laga soo bilaabo Menelik, danaha Ethiopia ka leedahay Soomaaliya? Intee bay gaarsiisantahay heer aragtiga iyo cabirka madaxda Soomaliyeed markay arrimuhu taaganyihiin danno qaran oo maguuraan ama joogta ah? 4.Wada-wadalladii ama Shirarkii Soomaaliyeed ee Dib-u-Heshisiinta Qaran, 1997-2004 ee qoraagu la jaan-qaaday.5.Dadaalkii loo soo maray dhismaha Dawladda Puntland ee Soomaaliya-aasaskeeda oo ruunti salka ku haya: A) Ismari waagii siyaasadeed ee Shirarka Dib-U-Heshisiinta Soomaaliyeed markii ugu dambaynsana lagu baajiyey Shirkii Qaran ee Boosaaso 1997, isla sanadkaana kii Qaahira oo loogu tagalay in looga hortago kan Boosaaso, luguna fashiliyo. B) Dadweynaha Puntland oo diidan ilaa maanta in dib loogu laabto xukuumad dheexe ee awood badan, oo wada marooqsata talada dalka. C) Ujeedooyinka laga lahaa dhismahii Dawladda Puntland. D) Ujeedoonyinka Somaliland iyo Puntland oo ugu dambayntii isku mid ah balse leh soojin iyo hanaan kala duwan, marka laga eego dib-u-dhis qaran Soomaaliyeed oo xoogan iyo dawlad dhexe oo si siman loo wadaago iyo ismaamul gobolleedyo awood dawladnimo balaarran leh.6.Dhismihii Dawladda Federaal Ku Meel Gaar ah ee Jamhuuriyedda Soomaaliya ee Shirkii Dib-u-Heshisiinta Qaran ee Eldorate/Mbagati/Kenya, 2001-2004.
Laga helo degelka https://amazon.com/author/ismailwarsame