HAGAAJIYA DEKREETOOYINKA MADAXTOOYADA PUNTLAND

September 22, 2019

Fadlan, hagaajiya qoraallada Dekreetooyinka xil-macowga Madaxtooyada Puntland. Xusa qodobadda Dastuurka ee aad cuskateen, Xeer Lr., noocca waayo-aragnimada iyo noocca aqoonta sargaalka ama qofka la magaccabay (hawlihii qofku soo qabtay, heerka aqoonta):

“Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay : Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka.

Markuu Tixgeliyey: Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Mulki Abdisamad Hussein loo magacaabay Wakiilka Dowladda Puntland ee Dalka Maraykanka.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay”

Qoraalka nooccaan ah waa kaan ku bilownay 1998. Fadlan horay u mariya oo hagaajiya, ha ilaawina hakadka sadar walba, ilaa dhamaadka dekreetada, siiya nuqullo Anti-dhawrka Guud, Xisaabiya Guud iyo wasaaradaha iyo hay’addaha ku aadan xil-magacowga.

https://ismailwarsame.blog

@ismailwarsame

Annual subscription

$37.00

Ismaaciil X. Warsame


 

Leave a comment