Dadweynaha Soomaaliyeed waa lagala taliyey arrimaha ka jira ama ka dhacaya dalka. Hadda iyo hadhowba ma eedayn karaan odayaal iyo aqoonyahannaba. Ma oran karaan saa mamoodeen.
Arrimaha ka taagan dalkoo dhan waa lala socodsiyey: Muqdisha, Jubbada, Somaliland, Puntland, Galmudugh, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeedba.
Khataraha jira iyo faragelinta shisheeyeba xoog ayaa looga faalooday. Burburka ku socda heshiisyadii dastuuriga ahaa ee qaran waa looga digay. Umad kala qaybsan in ayen qaran xoogan dhisan karin waa loo sheegay
Nidaamka federaalku in uu yahay awoodda keli ah ee Soomaaliya haatan isku haya waa lagu wacyigeli. Weerarka ku socda nidaamka awood-baahinta dalka in uu isugu biya-shubanayo kala dir Soomaliya waa lagala dardaarmay
Hadda iyo hadhow yaan la is-eersan oo lays-haaraamin hadii aan si wadajir ah wax loo wadaqabsan, dhiilooyinka jira iyo kuwa soo socdana wadajir looga hortagin.
Akhri, oo ka bogo degelka sida toos ah, hagarla’aan iyo hufnaan ku caanbaxay: Warsame Digital Media WDM https://ismailwarsame.blog
Support WDM with
Annual subscription
$37.00
One thought on “AFFEEFTA WDM”