Todoba Sababood oo ka Dhigtay Finland Dalka ugu waxbarashada Xooga Badan Aduunka

Qore C.raxmaan C.risaaq C.raxmaan

Waxaa laga yaabaa inaadan magaca Finland aadan ku sidkin siyaasada iyo murugaha bariga dhexe, laakin dalkaa yar ee ka tirsan Iskaandaneefiyaanka waxay awoodeed saartay si asaasi ah inay horumariso nidaamkeeda waxbarasho, ilaa ay noqotay dalka ugu waxbarashada fiican dunida sida uu sheegayo warbixinta tartanka caalamiga ah ee horumarka. Warbixintan kooban waxaan diirada kusaaraynaa 7 waxyaabood oo Finland ka dhigtay dalka ugu horeeya dunida dhanka waxbarashada sida ay sheegayso warbixinta baratanka caalamiga ah ee 2015 ( Global competitiveness Report)

1- Ixtiraamka Waxbarashada waa qayb ka mid ah dadnimada iyo aqoonsiga reer Finland

” Arinkaas wuxuu u baahanyahay si loogaaro150 sano xushmadaynta waxbarashada iyo xirfadaynta wax barista”
Sidaasuu ku jawaabay wasiirkii hore ee waxbarashada Finland Par Stanbak markii uu ka dalbay wariye inuu kusoo koobo hal eray sirta ka dhigtay dalkiisa inuu ku horumaro waxbarashada. Maxaa yeelay in lagu faano aqoonta lana ixtiraamo ayaa ah asaaska dhaqanka Finland, waxayna ku dhistay aqoonsigeeda qawmiga ah ilaa qarnigii 19aad waxayna maalgashatay tacliinta, markii ay madaxbanaanida ay heshayna hadafkeeda koowaad wuxuu ahaa in si mugweyn ay uhorumariso waxbarashada

2- way adagtahay qof walba inuu Macallin iska noqdo

Si ka fiirsasho leh ayaa macallimiinta loo doortaa, waxaana muhiim ah inuu aqoon sare leeyahay xamaasadna u hayaa macallinimada iyo caawinta dadka kale (dulqaad u leeyahay), ma kaafinayso macallinku inuu haysto shahaado jaamacadeed darajada 1aad (bachelor) si uu u helo shaqada macallinimo ee waa inuu Master haysto, sideedana waxaaba la aqbalaa 11% inta soo codsata shaqada macallinimo sanadkii, taasna waxay damaanad siinaysaa in shaqadaas kaliya ay soo codsadaan kuwa hibada iyo aqoonta u leh.

3- Saacadaha Shaqadu way yartahay oo raaxo badantahay

Astaamaha u gaarka ah ee waxbarashada dalka Finland ayaa ah in diirada ay saarto ujeedka waxa la dhigayo iyo qiimaha uu leeyahay, oo kaliya ma ahan in wax layska dhigo ee waa inuu qiimo sameeyo sidaas darteed ayaa macallinku maalinkii shaqeeyaa 4 saac asbuuciinaa 20 saac, saacadahaas badh ka mid ah macallinku wuxuu diyaarinayaa manhajka waxbarashada iyo qiimaynta ardayga, sidaasaa markasta oo ay yaraato saadacadaha wax dhigista waxaa kordhaysa xilliyada nasashada macallinka qayb ahaan markaasay gaaraysaa 75 daqiiqo maalintii marka loo qaybiyo saacadaha macallinku uu shaqeeyo maalinkii.

4- Ma jirto kalasoocidda heerarka aqooneed ee ardayda
” HA UGA TAGIN GADAAL ARDAY”

wuxuu ahaa halkudhiga dugsiyada Finland xilli hore, inta uusan caan ka noqon dalka maraykanka, halkudhigaas isku badalay wax lagu dhaqmo dalka Finland wuxuna ku tiirsanyahay in kor loo qaado heerka aqooneed ee ardayga fahmada yar ama dadaalka yar oo laga tagoori maayo saaxibadiisa ay isku fasalka yihiin ilaa uu soo gaaro, oo macallimiin gaar ah ayaa loo saarayaa kuwaasoo siiya daryeel gaar ah uguna dulqaata si loosoo gaarsiiyo fasalkiisa, oo marna lama rabo inuu kaharo fasalkiisa. Kaliya 30 arday ayaa Finland hela caawin dheeraad ah 9ka sano ee ugu horaysa waxbarashada asaasiga ah, sababahaas oo jira dhan ayaa Finland ka dhigtay dalka dunida ugu yar ee ardayda farqiga u dhaxeeya.

5- Xiriirka adag ee ka dhexeeya Macallinka iyo Ardayga

Waxyaabaha waxbarashada Finland ku gaarka tahay waxaa ka mid ah in Macallimiintu ay ardayda la joogaan sanado badan oo ay ugu yartahay 5 sano, taasna waxay keenaysaa inuu xiriir adag ka dhex abuurmo macallimiinta iyo Ardayda kuwaasoo gaaraya 20 arday fasalkii, macallinkuna wuxuu khibrada fiican u yeelanayaa dabeecadaha iyo dhaqamada arday walba iyo sida ugu haboon ee uu ula dhaqmi lahaa.

6- Ardaydu way siman yihiin

” Sinaanta waxbarasho ee dalka Finland, waxaa isku wada waafaqsan dhamaan Axsaabta siyaasadeed”
Sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha Ururka macallimiinta ee dalka Finland, arintaasna sheegasho iskama ahan ee waxay ku dhisantahay hab isu dheellitiran oo si siman oo cadaalad ah uu adeega waxbarasho ku gaaro gobollada Finland oo dhan miyi iyo magaalaba, qani iyo faqiirba, waana sababta diidaysa in dugsiyada Finland ay Ganacsi galaan ama ay yeelato dabaqad gooni ah ama siyaasad gaar ah inay fuliso, dhamaan dugsiyada Finland waa maalgelin bulsho dhaqaalahana si siman ayaa loogu qaybiyaa, mana jirto kala sarayn iyo tartan ka dhexeeya dugsiyada, dhamaantood waxay ku shaqeeyaan hadaf qowmi ah oo mid.

7- waxaa kor ukaca ardayda Jaamacadaha gasha

93% ayaa dugsiyada sare ee Filland ka qalinjebiya, waa tiro aad u saraysa taasoo Finland ka dhigtay Maraykanka inay kasarayso 17.5%, waxayna awood siisay waxbarashada sare ee Finland in 66% ardayda qalinjebisay inay galaan kuliyadaha jaamacadaha iyadoo aysan jirin sharci ardayga ku khasbaya inuu jaamacad dhigto, waana heerka ugu sareeya ee Qaarada Yurub, waliba iyada oo Finland ku bixisa 30% ardayda Jaamacadaha iska diiwaan gelinaya ama dhigta taasoo aad uga yar inta uu Maraynka ku bixiyo.

Isha Xogta:
Www.Sasapost.com

Waxaa tarjumay
C.raxmaan C.risaaq C.raxmaan

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s