XIIN FINIIN, SAYIDKA IYO FADUMA

Laga soo xigtay Axmed Dheere:

  “qabiilka reer mahad iyo daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ayaa waxaa dhexmaray dagaallo kulkulul kadib markii reer mahadku caadeysteen gawaan-raacinta fardaha daraawiisheed xilliyada habeenkii ah. Sayidka ayaa reer mahad ku qaaday dagaal culus, isagoo kadibna sayidku tiriyey gabay dheer oo laga hayo, dhawrkaan meeris ee hoose oo laga soo xigtey,Axmed Maxamed-cadde( Axmed-dheere): “… Mahad laga bogsoo bahalihii baabusha lahaaye; baynuune nimankii futada beyda ku lahaaye; waxaa balaslahoodii ka dhacay beled amxaaraade; takarkii hubeerka u ekaa sidii haatufka u roorye.”

“Maxamed Dheere: “nimankii futada beyda ku lahaa, wuxuu ula jeedey, reer mahad ka ayaa caan ku ahaa gawaan-raacinta fardaha bilaa koore, taasoo keentay in ay caan ku ahaayeen bawdyaha iyo gudo u jeedyada oo hoollaa”

https //ismailwarsame.blog

@ismailwarsame

Annual subscription

$37.00