THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
-
OFFICE OF THE PRESIDENTRS-TS-OP/0272004 Nairobi, Nov 03, 2004.MADAXWEYNAHA Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ee JamhuuriyeddaFederalka ah ee SoomaaliyaMARKUU ARKAY Axdiga Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyedda, gaar ahaan Qodobka 44aad (2) ee Wajibaadka Madaxweynaha,MARKUU FULIYEY Wada Tashi balaarran ee Madaxda siyaasadeed iyo dhaqan ee beelaha Soomaaliyeed,aqoon-yahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibedda dalka,MARKUU TIXGELIYEY Duruuffaha siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo amni ee Soomaaliya,MARKUU ARKAY dhamaan waxqabadkii iyo taariikh nololleedkii musharaxxiintii Jagada Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyedda Federalka ah ee Soomaaliya,WUXUU U MAGACAABAY:Dr. CALI MAXAMED GEEDI, Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyedda Federalka ah ee Soomaaliya, si uu u soo jeediyo Xubnihii Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijkii Waxqabad ee Xukuumadda si Golaha Shacabku kalsooni u siiyo sida ku qeexan Qodobka 33aad (e) ee Axdiga,
Cabdullaahi Yusuf Ahmed
Madaxweynaha