NINKII HOREY DADKIISA U DIGAY, HADAL KALE MA U BANAANYAHAY?

 

Maxaa keentay xaaladda Puntland oo haatan cabursan oo cakiran?

Maxaa keenay xadgudub dastuurka iyo xoriyadda qofka reer Puntland?

Meeday dimoqraadiyeentii Puntland? Ma waxay ku dambeysay dadka reer Puntland ma shiri-karaan si ayen u tashan?

Maxaa sababay heshiisyada qarsoon ee Garoowe iyo Muqdisha? Maxaa wiiqay dowr-horaadkii siyaasadeed ee Puntland?

Muxuu yahay tuhumka iyo kala shakika siyaasadeed ee hareeyey Puntland? Sidee ku timid in la daabaco lacag aan hay’adaha dawladdu isla ogalaan?

Ugu dambayn, haddii dadka Puntland laga xayuubiyo madax-banaannintii dastuuriga ahayd sida hadalka, shirarka, iwm, wariyaashana qaarna la xiro sida Jaamax Deperani, inta kalena la caburiyo, maxay ku dambayn Puntland? Ma Muqdishaa dib loogu hayaamidoona?

Dadaalkii taariikheed ee dadweynaha Puntland ma wuxuu ku dambayn “Hal bacaad lagu lisay”, ama sida Muqdisha laga dhaho: “Xoog doofaar lagu dhaanshay”?