Lacag Shilling Soomaali ah ama lacag kale oo loo daabaco hal Dawlad Goboleed keliya ma aha mid hirgalaysa mana suuroobi karto

QORAAL ARAGTIDA WDM

Madaxweyne Puntland: Siciid Cabdullaahi Deni: Riyo lacag daabac aan suurtoobeyn

Isku dayga hirgelinta arrintaasi, daabacaada lacag hal dowlad goboleed oo qayb ka ah dowlada federalka ee Somalia, Waxay noqon doontaa waqti iyo hanti lumis taas oo si loo daba galo ay noqondoonto arrin adag ama wax mala awaal ahoo kale ah. Lacagta waa in ay dadweynuhu aqbalaan oo ay ku beddelan karaan lacagaha kale ee qalaad. Aynu ka soo qaadno in ay aqbali doonaan shacabka dawladda Puntland, ka dibna ay noqon doonto mid u cuntami doonta guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, Bangiga dawladda Puntland iyo dadka deegaanka ayaa si degdeg ah ay uga dhammaan doontaa wareegtada lacagta cusub (currency circulation). Maamul-goboleedka Puntland waxa uu awoodi waayi doona in uu daboolo baahida iyo sahayda ka haysata guud ahaan Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.
Waxaa intaa dheer, way adag tahay in dadka reer Puntland ay aqbalaan ama laga aqbalo in ay alaab iyo adeegyo ku iibsadaan/iibiyaan meeshii doolarka Mareykanka ee hadda laga isticmaalo guud ahaan Soomaaliya. Waa dhaqaale ku salaysan dollarka iyada oo aynaan ka tirsanayn Maraykanka sida wadamo dhawr ah oo aduunka ka jira.
Maadaama uu dhaqaaluhu ku saleysan yahay dollar, sida kor loogu soo cadeeyey, daabacaadda lacagta Soomaaliga, Bangiga Dawladda Puntland waxaa ku waajib ah in uu dejiyo sarifka lacagaha qalaad iyo in uu diyaar u yahay in uu lacag adag oo dollarka Maraykanka ah u qaybiyo macaamiishiisa iyo dhammaan dadka degan iyo dadka safarka ah ee ku sugan Puntland. Sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in la qaabilikaro lacagta Puntland ee ku jirta sarifka lacagaha qalaad sida dollarka ee laga keeno gobolada kale ee dalka Soomaaliya oo ay ganacsatada iyo dadka safarka ah ee reer Puntland ay ku iibsan jireen badeecado iyo adeegyo ka baxsan dowladda, taas oo ah arrin uusan Bankiga Puntland awoodeeda lahayn. Arrintaas ayaa ku filan sida aysan suurtagal u ahayn daabacaada shilin Soomaali ah oo u gaar noqon doonta Dawladda Puntland.
Hadii dhinac kale loo dhigo, beddelka ah in Maamul-goboleedka Puntland loo daabaco lacagteeda maxaliga ah oo la aqbalo sida Somaliland oo kale waa safar adag oo lagu shaacinayo ka go’itaanka Soomaaliya inteeda kale. Tani ma waxa aan ka hadlayno baa marka laga hadalayo hadal jeedinta iyo ku dhawaaqida dabacaada lacag u gaar ah Dawladda Puntland? Taasi ma shaqayn-doonto, waayo Xukuumadda Puntland kaligeed ma go’aansan karto haddii aysan jirin rabitaan baaxad leh ee dadka deggan Puntland. Waxaa la ogyahay in Hogaamiyaha arrintan ku dhawaaqay xilligiisii 1aad, kaligii masuulka ka ahaa in uu meesha ka saaro kalsoonidii ay shacabku ku qabeen Shilinka Soomaaliga markii horeba. Talo, halaga digtoonaado ku takrifalka dadka masaakiinta ah ee deegaanka Puntland.

(Waxa tarjumay Prof. Abdiqani Danla’aan).

Leave a comment